Sarkaal ka tirsan Ciidanka buluusiyo Militaaro ayaa noo Xaqoojiyay in sarkaalkan lagu magacaabo Jeneraal Sheegow ciidamo uu wato ay amaan darro ka wadeen mudddo degmooyinka Wadajir iyo Dharkaynley Weerar Culus ku Qaadeen Xalay.
Dagaalkaan oo Wali Kasocda Degmada Dharkeenleey Gaar Ahaan Xaafada Kawogodey ayaa U Dheexeeya Sheegoow iyo Ciidamada police Milataaro iyo Haramcad oo Dhinac ah.
Ilo muhiim ah ayaa Mudug24 u sheegay in Ciidanka ay isku hareereeyeen guriga uu deganyahay ee Xaafadda Kaawa Godey.
Ciidanka ayaa hor dhigay laba arimood oo ah
1:in uu hortago maxkamadda ciidanka si nabad ah islamarkaasna la Maxkamadeeyo.
2:ama in ay qasab tahay in la soo qabto Sheegoow ayaana Diiday inuu La Qabto oo Maxkamad Lageeyo Ciidamada Dowlada ayaana Tan Xalay Dagaal kula Jira Jeneraal sheegoow oo kasoo Jeeda Beesha Jareer Wayne Balsa Haysta Ciidamo Badan oo Daacad u ah.