Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Wali Ka soconaaya Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Wali Ka soconaaya Magaalada Muqdisho

0

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo ilaa Xalay Fiid kii Hore ka Socda Degmada Dharkeenleey Dagaalka oo Xalay Saqdhexe yara Qaboobay ayaa Saakay Waabirigii Dib u Qaraxay.

Dagaalkaan oo U dhaxeeya Ciidamada Miletaara Police iyo Ciidamo uu Hogaaminaayo Gerenaal Sheegoow oo Maamula Qaybo ka mid aha Xaafada Kaawa Godey.

Dagaalkaan ayaana Bilowday Kadib Markii Ciidamada Police miletaaro ay Qabteen Laba Askari oo Ka Tirsanaa Ciidanka Jeneraal sheegoow kuwaas Dhac Gaysanaayay Balse Ciidamo Gurmad ah ayaa U Yimid kuwaas oo Xoog kusoo Furtay Labadii askari ee Laqabtay oo Dhac Gaysanaayay.

Dagaalka ayaa Waxaa Saakay Ku Biiray Ciidamada Haramcad oo Gurmad u ah kuwa Police miletaaro oo Tan iyo Xalay Dagaalamayay Ciidamadaan ayaana Isku Dayaaya inay Gacanta Kusoo Dhigaan Jeneraal Sheegoow oo la Sheegay in Ciidamadiiau Dhac Baahsan Ka Gaystaan Xaafada Kaawa Godeey ew Degmada Dharkeenleey.

Lama oga Khasaaraha Soo Kala Gaaray Ciidamadaan Waqtiga Dheer Dagaalamaayay Sidoo kale lama Oga Khasaaraha Soo Gaaray Dadka Shacabka ah ee lagu Dul Dagaalamay .

Xaafada Kawa Godey Ayaa u badan Guryaha Jingadaha ooo Aan Xabada Celin karin Dowlada Soomaaliya Wali kama Hadal Dagaalkaan oo Waqti Dheer Qaatay.

Jeneraal sheegoow ayaa Ka Mid ahaa Ciidamada Mileteriga Soomaaliya Balse aan Hada Ka Tirsanayn kadib Markii laga Saaray Ciidanka Xooga Dalka Balse Sheegoow ayaa Haystay Ciidan Badan oo uu jogaaminaayay Shewgoow iyo Ciidankiisa ayaana Horay Uga Soo Goostay Alshabaab.

Ad
Previous articleWar DEG DEG AH:Dagaal Culus oo u dhaxeeya laba Ciidan oo Ka Wada Tirsa Dowlada Soomaaliya oo Kasocda Muqdisho
Next articleMaxaa Laga Rabaa Jeneraal Sheegoow oo Tan iyo Xalay Dagaal Culus kula Jira Ciidamada Amaanka Muqdisho?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here