Home Wararka Maanta Maxaa ku dhacay haweeneyda feertay shaqaalaha diyaaradda iyado hawada ku jirta?

Maxaa ku dhacay haweeneyda feertay shaqaalaha diyaaradda iyado hawada ku jirta?

0

Haweeneydan oo la socotay diyaarad Vistara oo ka soo duushay magaalada Dubai, ayaa Isniintii lagu xiray Mumbai, iyadoo markii dambe dammaanad looga sii daayay booliska.

Qareenkeeda ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo sheegay inay tahay “sheeko been abuur ah”.

Hase yeeshee shirkadda Vistara waxay sheegtay in shaqaalaheedu ay ku qasbanaadeen inay xakameeyaan haweeneyda si ay u joojiso anshax xumada joogtada ah iyo dhaqanka rabshadaha.

Wargeyska Times of India ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha Vistara uu u gudbiyay booliska dacwad ah in haweeneyda rakaabka ah ay feertay isla markaana ay ku candhuuftay shaqale kale.

Sida laga soo xigtay cabashada, xubinta shaqaalaha ah ayaa diiday ka dib markii haweeneydu ay ka tagtay kursigeeda heerka caadiga ah si ay ugu fariisato qeybta dabaqada dhexe.

Qareenka haweenaydaasi oo lagu magacaabo Prabhakar Tripathi, ayaa BBC-da u sheegay in aysan ku faraxsanayn kursigii loo qoondeeyay, ayna codsatay in loo wareejiyo kursi bannaan, taasina ay keentay khilaafka iyada iyo shaqaalihii diyaaradda.

Waxa uu sheegay in sidoo kale loo diiday in ay isticmaasho suuliga isku dhaca awgii.

Baaritaanka dhaqan xumada ee ay ku kacayaan rakaabka diyaaradda ayaa ku soo kordhay dalka Hindiya iyadoo horran nin la xiray bishii January ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku kaadiyay gabadh rakaab ah, dhacdadan ayaa dhalisay dhaleeceyn ku saabsan sida shirkadda diyaaradaha, Air India, ay u maareysay dhacdada

Ad
Previous articleFeeryahanka wacdaraha ka dhigay Kenya ee doortay in uu Soomaaliya ku matalo caalamka
Next articleVilla Somalia oo shaacisay 4 qodob oo shirka berri looga hadlayo iyo madaxda imaaneysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here