Home Wararka Maanta Feeryahanka wacdaraha ka dhigay Kenya ee doortay in uu Soomaaliya ku matalo...

Feeryahanka wacdaraha ka dhigay Kenya ee doortay in uu Soomaaliya ku matalo caalamka

0

Khaliifa Yaxye oo ah feeryahan da’ yar ah oo Kenya u dhashay ayaa isku diyaarinaya tartan caalami ah oo uu ku matalayo Soomaaliya oo ay dhalasheeda qaatay. Feeryahan oo u safan jiray kooxda feerka ee Nayroobi ayaa in muddo ah tababar ku qaadanayay isla magaalada Nairobi.

Khaliifa ayaa horay wacdaro uga dhigay tartammo uu ku galay gudaha Kenya. Wuxuu tartan maxalli ah ku matalay kooxda Dowladda Hoose ee Nairobi (NCC) kaas oo uu kaalinta kowaad ka galay waxa uuna tartankaasi ka dhacay Jericho lumumba social hall taariikhda markay ahayd 12-kii bishii Maarso sannadkii 2022.

Markaas ka dib wuxuu matalay magaalada Nairobi isagoo ka hor tagay feeryahanno ka kala yimid dhammaan gobollada Kenya, wuxuuna ka galay kaalinta labaad. Tartankaas ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Thika ee Ismaamulka Kiambu taariikhdu markay ahayd 17-kii bishii Maarso ee 2022.

Khaliifa Yaxye waxa uu sanadkii 2005 ku dhashay xaafadaha isku raranta magaalada Nairobi ee Kibra, isla xaafaddaas ayuuna kusoo barbaaray.

 “Waxaa isoo koriyey hal waalid oo hooyaday ah taasna waxay sababtay inaan ciyaalka darbi jiifka ah ku biiro markaan ahaa fasalka 4aad,” ayuu yiri Khaliifa oo la hadlay BBC Somali.

Waxa uu intaas ku daray in uu nolosha darbijiifnimada uu ku noqday qof adag, oo dagaal badan, halkaas oo uu kula kulmay macalin Kenyan ah oo carruurta darbijiifka ah u tababara feerka.

Wuxuu sheegay inuu wax barashada u goyn jiray mararka qaar, illaa uu ku biiray carruurta waddooyinka ku hoyda ee aan haysan daryeelka waalidnimo maadaama uusan aabihiis la joogin.

“Markii aan ka baxay fasalka 8-aad nolosha oo dhan ayaa is bedeshay, waxaan noqday derbi jiif waxaan xataa isticmaali jiray daroogo, ka dib hooyaday ayaa i geysay meel dhaqan celis ah halkaas oo aan dib ugusoo kabtay,” ayuu yir

Ad
Previous articleMusharaxiin isku Diiwaangelisay Doorashada Kursigii Mahad salaad iyo Cida kusoo Baxaysa oo lasii ogyahay (Sawirro)
Next articleMaxaa ku dhacay haweeneyda feertay shaqaalaha diyaaradda iyado hawada ku jirta?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here