Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo isxig-xigay oo shalay ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo lala beegsaday dukaamo ganacsi oo halkaasi ku yaalla.
Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay haatan mareyso illaa 12 qof, halka dhaawacuna yahay 41, sida ay muujinayso xogta dhaawaca iyo dhimashada ee labada isbitaal ee kala ah Madiina iyo Recep Tayyip Erdogan ama Ex-Digfeer,
Macluumaadkaasi oo VOA ay ka heshay wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in Isbitaalka Madiina la geeyey 8 qof oo mayd ah iyo 9 qof oo dhaawac ah.
Sidoo kale isbitaalka Recep Tayyip Erdogan ayaa qabtay 32 qof kuwaasi oo 4 qof oo ka mid ah ay mayd ahaayeen, halka inta kalena ay dhaawac yihiin.
Laamaha amniga ayaa baarista hordhaca ah ku sheegay in qaraxyadaasi ay sababeen miinooyin la dhigay goobahan ganacsi, waxaana weli socota baaritaano la xiriira arrintaan.