Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho labo maalmood ah ku tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Safarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee diblumaasi Mareykan ah uu ku tago Shiinaha ku dhawaad shan sano.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee wadahadalka uu yahay in la dajiyo xiriirka kala dhaxeeya Shinaha oo noqday mid aad u kacsan.
Safarkan ayaa ku soo beegmaya ku dhawaad shan bilood ka dib markii booqashadii hore ee Blinken dib loo dhigay, ka dib markii hawada Mareykanka lagu arkay buufinta basaaska ee loogu shakisanyahay in uu lahaa Shiinaha
Ad