Home Wararka Somaliya Jubbaland Jubaland oo Warsaxafadeed Wadajir ah Kasoo Saartay Xiisada Gobalka Gedo

Jubaland oo Warsaxafadeed Wadajir ah Kasoo Saartay Xiisada Gobalka Gedo

0

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha wasiirrada Jubbaland ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa looga hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday gobolkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle oo bayaanka ka soo baxay Jubaland warbaahinta u akhriyey ayaa sheegay in maamulkaasi uu ka walaacsan yahay hadallada xanafta leh ee ka soo yeera siyaasiyiinta maamusha gobolka Gedo oo diidan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

“Shaqsiyaadka hadlay waxay ka been sheegeen xaaladda ka jirta gobolka Gedo, waxaa gobolkaas Jubbaland ku metela 26 xildhibaan, 17 wasiir iyo maxaxweyne ku xigeenka koowaad, halka dowladda dhexe ay ku metelaan 16 xildhibaan iyo laba senator,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale war-saxaafadeedkaan uu akhriyey wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland waxaa lagu sheegay in 98% masuuliyiin gobolka Gedo ku metesha Jubbaland iyo dowladda federaalka ay taageersan yihiin in Jubbaland ay dib ula wareegto masuuliyadda maamul ee gobolkaas.

“Shaqsiyaadka ka faa’iideystay faro-gelintii Farmaajo ee ku howlan inay Gedo ku gaaraan danahooda shakhsiga ah, waxaan u cadeyneynaa in maanta kadib aysan masuuliyadi ka saareyn gobolkaas oo wax dambe aan laga weydii doonin adduun iyo aakhiraba,” ayaa lagu yiri bayaanka cusub ee ka soo baxay Jubbaland.

Muddo ka badan saddex sano waxaa xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland, halkaas oo hadda ay xoog ku maamulaan siyaasiyiin uu geystay Farmaajo, intii uu joogay xukunka, dagaalkana uu kula jiray maamulka Axmed Madoobe.

Xiisadda ayaa sare u sii kaceysay tan iyo markii uu talada banneeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna xiisadda gobolkaasi hadba heer soo gaaraysay mudadii sanadka aheyd ee Xasan Sheekh uu xukunka joogay.

Toddobaadkan ayey mar kale xiisadda gobolkaasi cirka isku shareertay markii Garbahaarey laga soo celiyay diyaarad sidday maamul cusub oo gobolka Gedo uu u magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hoos ka akhriso bayaanka Jubbaland

 

Ad
Previous articleGudoomiye Cali Jayte oo Xilka Laga Qaaday
Next articleMasuulkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo booqasho ku tagay Shiinaha kudhawaad muddo 5 sano ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here