Masuuliyiin ka tirsan JFS iyo Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Camaara ee koonfurta Gobolka mudug halkaas oo lagala Wareegay khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab.
Masuuliyiinta ayaa waxaa Camaara kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka.
Taliye ku xigeenka Ciidanka lugta Cabdulaahi Aden xuseen Ciro ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay Guulihii Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanku kasoo hooyeen Howgalka Bacadweyne, Qeycad iyo Camaara.
Ad