Home Wararka Somaliya Somaliland Masuul Maxamed C/llaahi Faarax (Jeeri) oo La Dilay.

Masuul Maxamed C/llaahi Faarax (Jeeri) oo La Dilay.

0

Waxaa Xalay  Magaaladda Laascanood ee gobolka Sool lagu dilay Isku-duwihii Qandaraasyada Somaliland ee gobolkaas Maxamed C/llaahi Faarax (Jeeri).

Dabley hubeysan oo aan la garan heybtooda ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen dilka masuulkan oo si weyn looga garanayey magaalada Laascaanood.

Dilka Marxuumka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku,  in uu samir iyo imaan Alle ka siiyo.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay wadaan howlgal balaaran oo lagu soo qabanayo kooxihii ka dambeeyey dilka marxuumka.

Dilalka ka dhaca Magaalada Laascaanood ayaa weli iska socda xili maamulka Somaliland uu dhowaan magaaladaas ka soo masaafuriyey kumanaan qoys oo ka soo jeeda Koonfurta Somalia kuwaasoo lagu eedeeyey iney ku lug leeyihiin dilalka badan oo magaaladaas ka dhacay.

Ad
Previous articleDiiwaangalinta Musharixiinta Utartamaysa Gudoomiyayaasha Labada aqal oo Bilaabatay(Sawiro)
Next articleMaamulka koonfurgalbeed Oo Shaaciyay Habraaca Kursigii Dhawaan Lagu Celiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here