Home Wararka Somaliya Galmudug Marwo Makko Maxamuud oo Baarlamaanka Galmudug Hambalyo U Dirtay

Marwo Makko Maxamuud oo Baarlamaanka Galmudug Hambalyo U Dirtay

0

Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa Baarlamaanka Dowladda Galmudug ugu hambaleyeysay ansixinta sharciga xakameynta hubka.

“Sharcigan ayaa muhiim u ah in la xakameeyo hubka aan sharciyeesneen ama aan ku jirin gacanta dowladda, waxaana tallabadan ay qeyb ka tahay aragtida Madaxweyne Hassan Sheekh ee ku aaddan in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka ‘monopoly of violence’ si loo hirgaliyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Mako Maxamuud Muuse.

Dhanka kale waxa ay tilmaamtay Lataliye Makko in tallaabadan ay soo dedejin karto dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabatayna hubka taas oo lafdhabar u ah la daallanka Argagixisada.

Ad
Previous articleYuusuf Dabageed iyo Gudoomiyihii lagu Badalay Cali Jayte oo Shir Albaabadu uga Xiranyihiin Ugu Socdo Baladweyne
Next articleWAR DEG DEG AH: Taliye odawaa Yuusuf Raage oo Xilka laga Qaaday Iyo Taiye Cusub oo la Magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here