Home Wararka Caalamka Markabkii ugu horreeyay ee sida qamadi oo kasoo dhaqaaqay Ukraine

Markabkii ugu horreeyay ee sida qamadi oo kasoo dhaqaaqay Ukraine

0

Markabkii ugu horreeyay ee sida qamadiga ayaa kasoo dhaqaaqay deked ku taalla dalka Ukraine kadib heshiis taariikhi ah oo lala galay Ruushka.

Saraakiisha Turkiga iyo Iran ayaa sheegay in markabka uu kasoo shiraacday magaalada dekedda leh ee dhacda Koonfurta Ukraine ee Odesa subaxnimadii hore ee saaka.

Ruushka ayaa go’doon geliyay dekedaha Ukraine tan iyo bishii February balse labada dhinac ayaa heshiis ka gaaray in maraakiibta sidda Raashiinka ay kasoo baxaan Ukraine.

Waxaa lagu rajo weyn yahay in heshiiskan uu wax ka qabto gabaabsiga dhabka cuntada iyo qiimaha raashiinka dunida ee sare u kacay.

Ad
Previous articleKenya oo lacag waali ah maalmo yar uga faa’iiday Jaadka Soomaaliya ay Keento
Next articleAl-Shabaab oo Weerar culus ku Qaaday Gudaha Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here