Home Wararka Maanta Kenya oo lacag waali ah maalmo yar uga faa’iiday Jaadka Soomaaliya...

Kenya oo lacag waali ah maalmo yar uga faa’iiday Jaadka Soomaaliya ay Keento

0

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawwaan fasaxday in jaadka dalka Kenya loo soo dhoofiyo dalka, kaddib heshiis qodobo dhoor ah ka koobnaa oo ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Ganacsatada jaadka ee dalka Kenya ayaana bilaabay in jaadkooda usoo dhoofiyaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana durba la dareemay saameynta dhaqaale ee ka dhalatay jaadka Soomaaliya loo soo dhoofiyay.

Warbaahinta Nation TV ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa ku warantay in jaadka Soomaaliya loo dhoofinayay afartii maalin ee lasoo dhaafay qiimihiisu gaartay lacag dhan 2 milyan oo dollar.

Sida lagu baahiyay warbixinta Nation TV, magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa la keenay 81.4tan -tan oo jaad ah , tan iyo markii dib loo fasaxay jaadka Kenya ee loo soo dhoofiyo Soomaaliya.

Dhaqaalaha Kenya kasoo galaya jaadka ee Soomaaliya usoo dhoofiso ayaa la filayaa in sare usii kaco, waxaana wali geesta kale bilaaban in Soomaaliya dhankeeda u dhoofiso Kenya Kalluun sida uu horey heshiiska la gaaray u dhigayay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo furay kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug (Sawiro)
Next articleMarkabkii ugu horreeyay ee sida qamadi oo kasoo dhaqaaqay Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here