Home Wararka Maanta Mareykanka: ‘Shilka diyaaradeed wuxuu ka dhashay dhaqan xumada duuliyeyaasha Ruushka

Mareykanka: ‘Shilka diyaaradeed wuxuu ka dhashay dhaqan xumada duuliyeyaasha Ruushka

0

Washington ayaa sheegtay shilka ku dhacay diyaarad aan duuliyaha lahayn oo lahaayeen ay ka dhaltay dhsaqan xumada Ruushka.

Mareykanka ayaa sheegay mid ka mid ah diyaaradaheeda aan duuliyaha laheen iney badda madow ku dhacday kaddib marki ay carqalad kala kulantay diyaaradaha dagaalka Ruushka.

Diyaaradda burburtay oo ay Washington ku sheegtay xilliga ay burbureysay iney mareysay badda caalamiga ah oo ay ku xadgudubin dhul badeedka Ruushka.

Ruushkana wuxuu sheegay diyaaradda aan duuliyaha laheen ee MQ-9 iney ku duuleysay meel ku dhow dhul badeedka Crimea oo ay Ruushka 2014-kii qabsatay.

Afhayeenka Pentagon Sarreeya Guuto Pat Ryder oo shir jaraa’id qabtay wuxuu sheegay diyaaraddooda aan duuliyaha lahayn marki ay ku timid cillad dhanka duullimaadka iyo xakameynta kaddib iney burburiyeen.

Dhacdadan ayaa muujineysa khatarta sii kordheysa ee iska horimaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo Mareykanka taasi oo ku aadan dagaalka Ukraine.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Baydhabo(Sawiro)
Next articleRuushka oo war ka soo saaray dayuurad uu ka burburiyey Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here