Home Wararka Maanta Mareykanka oo liiska madow ku daray 26 Soomaali ah oo uu ku...

Mareykanka oo liiska madow ku daray 26 Soomaali ah oo uu ku jiro Cali yare

0

Dawladda Mareykanka ayaa maanta liiska madow ku dartay xubno kale oo ka mid ah ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad xiriir la leh kooxda.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha liiska madaw lagu daray ay ka mid yihiin:

Maxamed Siidow oo Mareyanku sheegeen inuu yahay amiir dhinaca maaliyadda ah oo ka tirsan ciidanka jabhadda ee Al-Shabaab; Cali Yare oo la sheegay inuu yahay amiir kale oo dhinaca maaliyadda ah oo qaabilsan inuu canshuuraha Al-Shabaab uga ururiyo tuullada Beledul Amiin ee gobolka Shabeellada Hoose; Maxamed Dauud Gabaane oo isna la sheegay inuu Al-Shabaab mas’uul uga yahay hawlaha canshuuraha degmada Wanlaweyn.

Waxaa kale oo xubnaha uu Mareyanku ku daray liiska madow ku jira Suleiman Cabdi Daoud oo ah amiirka maaliyadda ee iyo amiirka degaanka Beledul Amiin, iyo kormeerka maxkamadda Al-Shabaab ee ganaaxa ururisa.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa isna la sheegay inuu yahay guddoomiyaha Al-Shabaab ee Diinsoor, waxaana lagu eedeeyey inuu mas’uul ka yahay weeraro lagu qaaday rayidka.

Sidoo kale waxay dawladdu Mareykanku maanta sheegtay inay liiska madaw ku dartay xubno kale oo ka mid ah Al-Shabaab iyo hay’ado lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin ururka.

Dadka la bartilmaameedsaday waxaa ku jira 15 qof oo la sheegay inay fududeeyaan maaliyadda ururka, afar ka ganacsada dhuxusha sharcidarrada ah iyo toddoba hay’adood oo ku xiran.

Xubnahaas kalena waxaa ku jira Xasan Abshir Xuurow oo Mareyanku sheegay inuu hoggaaminayey koox Al-Shabaab lacagta uga ururiisay rayidka Kismaayo, Aadan Yusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim) oo Mareyanku sheegay inuu Al-Shabaab hanti uga ururiyo Shabeella Hoose iyo Mumin Dheere (Dheere) iyo Macalin Burhaan oo Mareykanku sheegay inay kala yihiin ku-xigeenka amiirka deegaanka Wayanta oo tirsan Shabeellada Hoose.

Xubnaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah; madaxa xisbada Al-Shabaab ee isla degaankaas, iyo 14 qof oo kale oo iyagana lagu eedeeyey dhaqaale u ururiyeen Al-Shabaab iyo 9 ka ganacsiga dhuxusha, iyo shirkado.

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay
Ad
Previous articleWasiir Cabdikaafi Qaaf oo Digniin UDiray Madaxweyne Qoor Qoor
Next articleInta Badan Deegaanada Puntland oo Saakay ay ka Bilaabatay Doorashada Qof iyo Cod