Home Wararka Maanta Mareykanka oo dhex dhexaadinaya Israa’il iyo Falastiin iyadoo dilal badan ay dhowaan...

Mareykanka oo dhex dhexaadinaya Israa’il iyo Falastiin iyadoo dilal badan ay dhowaan dhaceen

0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa gaaray Israa’iil si uu kulamo ula yeesho madaxda Israa’iil iyo Falastiiniyiin iyadoo rabshadaha halkaas ka jira ay sii socdaan.

Dhacdadii ugu dambeysay subaxnimadii Isniinta maanta ah nin Falastiini ah ayay askarta Israa’iil ku toogteen Daanta Galbeed ee la haysto.

Maalintii Khamiista 10 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Jenin oo ay dileen ciidamada Israa’iil halka 7 Israa’iiliyiin ah ay dhinteen Jimcihii ka dib markii dabley falastiiniyiin ah ay rasaas ku fureen meel ku taalla Bariga qudus oo ay ku sugnaayen .

Mr Blinken, oo horey wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Masar magalada Qaahira, ayaa bilaabi doona lugtii labaad ee booqashadiisa Bariga Dhexe isagoo la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Talaadada wuxuu u safri doonaa magaalada Ramallah ee daanta galbeed si uu wadahadal ula yeesho hogaamiyaha Falastiin, Mahmoud Abbas.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Hay’adaha Caalamiga ah ku Amartay Inay Deg deg Muqdisho ugu soo Guuraan
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus ku qaaday Goobo oo ku Dhow Maxaas iyo Dagaalka oo Wabxo ku Fiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here