Home Wararka Maanta Mareykanka muxuu ka yiri dagaalka Liyuu Booliska iyo Al Shabaab?

Mareykanka muxuu ka yiri dagaalka Liyuu Booliska iyo Al Shabaab?

0

Wasaaradda arrrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in la xakameeyay qorshe ballaaran ay Al Shabaab ku doonayeen inay ku qabsadaan dhul badan.

Wasaaradda oo soo xiganeysay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend ayaa sheegtay “inay u muuqato in Itoobiyaanka ay si xooggaan uga hortaggeen isla markaana ugu guuleysteen dagaalka.”

General Steven Townsend wuxuu ka digay in Al Shabaab ay qorsheynayeen in weerarro fara badan ay ka geystaan Dowlad Deegaanka Soomaalida, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo shaley baahisay warbixinteeda toddobaadlaha ah.

Isbuucan dhexdiisa ayay xubno ka tirsan kooxdan iyo ciidanka Liyu booliska ku dagaallameen tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feerfeer

Markii dambe waxaa dagaalka qayb ka noqday militeriga Itoobiya, labada dhinacna waxay sheegteen inuu mid walba khasaare gaarsiiyay midka kale.

Dagaalkan cusub ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalimihii la soo dhaafay uu socday dagaal u dhaxeeyay Liyu Boolis iyo Al-Shabaab kaas oo ka dhacay deegaanka Caato ee xuuduudda gobolka Bakool uu la wadaago Itoobiya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamada NISA oo Howlgal Culus ka Fuliyay Muqdisho(Sawiro)
Next articleSadax ka mid ah Wadada Afrika oo ka shiray Arimaha Amniga iyo xuduudaha