Home Wararka Caalamka Sadax ka mid ah Wadada Afrika oo ka shiray Arimaha Amniga iyo...

Sadax ka mid ah Wadada Afrika oo ka shiray Arimaha Amniga iyo xuduudaha

0

Waxaa magaalada Doollo Cado ee ku taalla xuduudka u dhaxeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya lagu qabtay shir isku xirka xuduudaha ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Hadafka kulanku wuxuu ahaa in la xoojiyo isku-dubbaridka xuduudaha qaybaha badan ee xuduudaha iyo iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha kala duwan ee saddexda waddan si wax looga qabto khataraha caafimaadka guud ee bulshada.

Ka soo qeyb galayaasha oo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladdaha, ururada aan dawliga ahayn, urur goboleedka IGAD, ayaa ka wada hadlay xoojinta habka isku xirka xuduudaha, horumarinta ka hortagga cudurrada faafa ee xuduudaha, iswaafajinta ilaalinta cudurrada.

Ka-qaybgalayaashu waxay gaadheen is-afgarad guud oo ku saabsan baahida loo qabo xoojinta isku-dubbaridka xuduudaha iyo hindisaha iskaashiga Dhulka saddex-geesoodka ah ee ay ku kulmaan Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, oo loo yaqaan Saddex Xagalka Mandheera oo ah xudunta ganacsiga iyo is dhaafsiga xoolaha oo muhiim u ah quudinta Geeska Afrika.

Ad
Previous articleMareykanka muxuu ka yiri dagaalka Liyuu Booliska iyo Al Shabaab?
Next articleRa’isul Wasaare Xamza oo soo dhameeyay la tashiyo waxaana la Filayaa inuu Magacaabo Golaha Wasiirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here