Home Wararka Somaliya Somaliland Maraykanka oo walaac ka muujiyey xaaladda maxaabiista uu hayo Maamulka SSC oo...

Maraykanka oo walaac ka muujiyey xaaladda maxaabiista uu hayo Maamulka SSC oo uusan xusin

0

Maamulka SSC Khaatumo ayaa sii daayey 2 qof oo ka mid ahayd maxaabiis ilaa 300 ah oo lagu qabtay dagaalkii Goojacadde, kuwaasoo dhaawacyo culus qaba.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in lasii daayo 2 qof oo kale oo kala ah haweenay xaas u ahayd mid ka mid ah taliyayaashii ciidanka Somaliland iyo wiil yar oo 16-jir ah, sida aannu xogta ku hayno.

Haatan, Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saartay sii dayntan, iyadoo soo dhowaysey tillaabadan oo lagu tilmaamay mid aadminnimo, balse dhanka kale, waxay walaac ka muujiyeen fayaqabka maxaabiista kale ee la hayo.

”Mahadsanidiin, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo
ICRC_Afrika, dadaalkiinna joogtada ah ee aad ku ilaalinaysaan kuna horumarinaysaan xuquuqul insaanka,” ayaa lagu bilaabay qoraalka Safaaradda.

”Waxaan weli ka walaacsan nahay daryeelka dhammaan maxaabiista, waxaanan sii wadaynaa inaan ku baaqno in cabashooyinka iyo xiisadaha lagu xalliyo wadahadal nabadeed.” ayaa la raaciyey isagoo aan marna xusin maamulka SSC Khaatumo.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee ICRC ayaa horay u sheegtay inay SSC hayaan ilaa 300 oo maxbuus oo Somaliland looga qabtay dagaalkii Goojacadde oo ahaa taliskii maamulkaa ugu waynaa gobolka Sool & Maraaga.

Ad
Previous articleMucaarad ka Dhan ah Axmed Madoobe oo Go,aano Xasaasi ah Soo Saaray
Next articleDowladda Soomaaliya oo dalacsiisay labo guuto oo Alshabaab Cashar u Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here