Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo dalacsiisay labo guuto oo Alshabaab Cashar u Dhigay

Dowladda Soomaaliya oo dalacsiisay labo guuto oo Alshabaab Cashar u Dhigay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa dalacsiisay labo guuto oo ka tirsan ciidamada millateriga ee fadhigoodu yahay gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay kahortageen weerar Al-Shabaab ay kusoo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Awdheegle maalintii Axadda.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor iyo guutada 14-ka October ayaa weerarkan ku dilay ugu yaraan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen taliyeyaasha ciidamadu.

General Ibraahim Sheekh Muxuyidiin, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo booqday degmadaas ayaa ku dhawaaqay “inay rabaan in labada guuto ee sida geesinimada leh halkaa ugu dagaallamay laga safo min labo darajo, isagoo sheegay in askari kasta mushaarkiisa lagu siin doono darajadiisa.”

Xoogagga taabacsan Al-Qaacidda ee Shabaabka ayaa saddex weerar oo kala duwan qaaday isku day ay ku doonayeen inay ku qabsadaan degmada Awdheegle, balse ciidamada millateriga ayaa si geesinnimo leh uga hortagay weerar walba.

“Saddexdii isku day ee ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan degmada waxaa ka soo gaaray guuldarrooyin xooggan, askartan geesiyaasha ah waxay sameeyeen naf-hurnimo, waxayna muujiyeen cududda ciidankeenna ee ku aaddan cadowga.” ayuu si shaafeertan leh u yiri taliyuhu.

Waa markii ugu horreeysey ee ciidan lagu dallacsiiyo goobta dagaalka iyadoo loo cuskanayo bandhiggooda ciidan, si ka duwan xilalkii qaabka cashwaa’iga ah la iskaga bixin jirey, iyadoo ay jiraan dad jeneraallo la iska siiyey iyagoon hal maalinna dagaal gelin ama guul soo hoyn.

Ad
Previous articleMaraykanka oo walaac ka muujiyey xaaladda maxaabiista uu hayo Maamulka SSC oo uusan xusin
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Kenya oo Duqayn ku laysay Shacab ku Dhaqnaa Gobalka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here