Home Wararka Maanta Maraykanka oo Sheegay in Gacanta Lagu dhigay Badru Cabdulcasiis Saalax oo Halmalyan...

Maraykanka oo Sheegay in Gacanta Lagu dhigay Badru Cabdulcasiis Saalax oo Halmalyan oo Dolar la Duldhigay

0

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaas oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo duur-joogta.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa baadi goob ugu dhaqaaqay labadaas nin ee baxsadka ahaa, Badru Cabdulcasiis Saalax ayaa lagu guuleystay soo qabashadiisa, halka ay ciidamadu weli baadi goobayaan Cabdi Xuseen Axmed.

Labadaas nin oo baxsad ka ahaa Mareykanka, laguna raadjoogay ayaa loo haystaa ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta, waxaana Badru Cabdulcasiis Saalax laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Nation oo soo xigtay ilo ka tirsan booliska Kenya.

Qabashada ninkaan ayaa ku soo beegmaysa afar maalmood un ka dib markii Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta iyo dhamaan baraha bulshada, balse booliiska weli kuma guuleysan inay soo qabtaan Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Ninka la qabtay ee Badru Cabdulcasiis Saalax waxaa lagu hayaa xarunta laanta la dagaalanka argagixisada ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay dambi barayaashu ku waydiinayaan su’aalo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Mr Axmed, halka uu ku sugan yahay iyo waxa uu dalka ka hayo.

Ad
Previous articleXubno ka Tirsan Ciidamada NISA oo Daacad aha Farmaajo oo Xabsiga Lagu Guray(Xog)
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Maantay Shir Yeelanaaya(akhriso agendaha)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here