Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Maantay Shir Yeelanaaya(akhriso agendaha)

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maantay Shir Yeelanaaya(akhriso agendaha)

0

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankii ugu horeeyay ay isugu yimaadaan tan iyo markii 15-kii bishii May ay doorteen Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka oo ka dhacaya xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa ayaa ajandihiisu lagu sheegay Akhrinta xeer hoosaadka Golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaana loo diray xalay fariimo loogu sheegayay kulanka golaha maanta isugu imaanayaan, waxaana jira xildhibaano badan oo dalka dibadiisa ku maqan kuwaa oo baxay doorashada kadib.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo laga sugayo shaqooyin badan ayaan kulan yeelan tan iyo waxii ka dambeesay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Sheegay in Gacanta Lagu dhigay Badru Cabdulcasiis Saalax oo Halmalyan oo Dolar la Duldhigay
Next articleMaxaa Kasoo Kordhay Wadahadaladii Deni iyo Axmed Karaash(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here