Home Wararka Maanta Maraykanka oo Ka Hadlay Dib u Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Maraykanka oo Ka Hadlay Dib u Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee habeenkii Axadda, 15-kii May ka dhacday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa soo dhoweeyey doorashada Xasan Sheekh oo mar labaad loo doortay  Madaxweyne, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay hadda heysato fursad muhiim ah.

“Soomaaliya waxay hadda haysataa fursad ay diiradda ku saari karto dib u habeynta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ku booriyey Madaxweynaha cusub inuu xooga saaro horumarka dowladnimada, dib u dhiska ciidamada iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah; horumarinta ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan ugana hortagaan argagixisanimada iyo inay si buuxda mas’uuliyad amni ugala wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya; samaynta dib-u-habayn dhaqaale si loo dhamaystiro waddada Soomaaliya ee deyn cafinta iyo xoojinta dhaqaalaha; iyo fududaynta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee malaayiinta Soomaalida ah ee la ildaran abaarta ba’an,” ayaa markale lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladda cusub inay xoojiso arrimaha dib u heshiisiinta iyo wada-hadallada, si xal looga gaaro khilaafaadka dib u dhigi kara dalka.

“Dib-u-heshiisiinta, isu-tanaasulka, iyo wada-hadallada la xoojiyey ee ka dhexeeya dhammaan heerarka dawladda iyo dhammaan bulshooyinka ayaa muhiim u ah guusha dadaalladaas” ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka,”.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha aad u taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale ay qayb ka tahay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleQarax ka dhacay Degmada Balcad iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Kulankii ugu Horeeyey La Qaatay Farmaajo