Home Wararka Maanta Maraykanka oo Hub Farabadan oo Alshabaab lagula Dagalaamaayo ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya

Maraykanka oo Hub Farabadan oo Alshabaab lagula Dagalaamaayo ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale oo qiimahiisa lagu sheegay 9malyan oo dollar ugu deeqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan ciidanka Danab.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa deeqdan kala wareegay Safiirka Mareykanka Larry Andre.

Deeqdan oo ah tii ugu qiimaha badneyd oo sanadihii la soo dhaafay lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya waxaa ka mid ah hubka culus, baabuurta gaashaaman, kuwa dhismaha, qalabka lagu baaro walxaha qaraxa, agabka dayactirka gaadiidka ciidamada iyo hubka,

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in qalabka diyaar u yahay in la gaarsiiyo guutada Danab ee ciidamada xoggaa dalka ee ka howlgalaya Hirshabeelle iyo Galmudug.

Munaasabada wareejinta hubka iyo qalabkan ayaa waxaa ka hadlay safiirka Maraykanka u qaabilsan dalka Soomaaliya Andre waxana uu sheegay inuu ku faraxsannahay guusha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka Al-shabaab.

Danjire Andre ayaa ku tilmaamay dagaalka ka socda dalka Soomaaliya inuu yahay mid ay Soomaalidu hormuud ka tahay.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen isagoo ku tilmaamay deeqdan inay fariin u tahay dalalka kale sida soomaaliya loogu aamini karo waxwalba.

Munaasaddan ayaa waxaa wasiirka Gaashaandhigga ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage.

Wasaaradda Gaashandhigga JFS ayaa muddooyinkii dambe xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyadoo ciidamada dowlada oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ay deegaano badan oo ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug ay kala wareegeen Alshabaab.

Ad
Previous articleMadaxweyne Siciid Deni Oo Fashiliyay Qorshe Ay Damacsan Tahay Dowlada Xasan Shiikh.
Next articleLabo gabdhood oo Soomaali ah oo lagu soo daray liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badan Afrikaanka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here