Home Wararka Maanta Madaxweyne Siciid Deni Oo Fashiliyay Qorshe Ay Damacsan Tahay Dowlada Xasan Shiikh.

Madaxweyne Siciid Deni Oo Fashiliyay Qorshe Ay Damacsan Tahay Dowlada Xasan Shiikh.

0
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa banaanka keenay qorshe uu sheegay iney damacsan yihiin madaxda dowladda, taasoo uu isaga ka biya diiday.

 

Deni oo dhawaan diiday inuu saxiixo laba kamid ah qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ayaa hoggaanka dowladda ku eedeeyay iney doonayaan iney meel mariyaan dastuurka kumeel gaarka ah, iyadoo ay ka maqan tahay Somaliland.
“Waxaa la rabaa in dalka dib loogu celiyo nidaamka dowladda dhexe iyo in maamulks Somaliland loo sharciyeeyo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, Puntland marnaba ma aqbaleyso arrinkaas” ayuu yiri Deni.
Majirto wax war ah oo dowladda ay ka soo saartay eedeymaha hoggaanka Puntland, iyadoo madaxweyne Xasan uu hore ugu sheegay sababta Deni heshiiska u saxiixa waayay ay tahay dalab ku aadan inuu Siciid Deni maamulkiisa latashi kale ugula laabto
Ad
Previous articleCeelkii ugu Horeeyey ee Shidaal oo laga Helay Soomaaliland iyo Wasiir ka Hadlay
Next articleMaraykanka oo Hub Farabadan oo Alshabaab lagula Dagalaamaayo ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here