Home Wararka Caalamka Maraykanka oo abaalMarin Siiyay Askar Fashilisay Weerar Alshabaab soo Qaadeen

Maraykanka oo abaalMarin Siiyay Askar Fashilisay Weerar Alshabaab soo Qaadeen

0

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa billado ku abaal mariyey seddex Askari oo la sheegay inay qeyb weyn ka qaateen difaaca xirada ciidamada Mareykanka ee Manda ee gobolka Lamu ee dalka Kenya taasoo ay 5-tii Janaayo 2020 ay weerar kusoo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Askarta la abaal mariyey ayaa waxay ka tirsan yihiin ciidamada difaaca ee dalka Kenya, waxaana la abaal mariyey Kornayl Daniel Rotich, Major Martin Muthaura iyo Corporal Peter Shikuri, iyagoo ku mutaystay jawaab-celintii degdegga ahayd ee ay ka bixiyeen ka-hortagga weerarkii Camp Simba ee Manda.

Agaasimaha Hawlgalka ee AFRICOM Sarreeye Gaas Gregory Anderson ayaa si weyn ugu mahadceliyey Seddexdaan Askari oo uu sheegay inay sabab u noqdeen difaaca xerada oo halis u gashay inay la wareegaan kooxda Al-Shabaab.

“Waxaad naftiina ku ilaaliseen safka hore ee dagaalka si aad u ilaalisaan dadka kale oo aad u badbaadisaan qarankiina. Runtii tani waa mid amaan mudan, waana idinkaga mahadcelinaynaa geesinimadiina,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Anderson.

Weerarkii Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Manda-bay ee dalka Kenya ee dhacay 5-tii Janaayo ee sanadkii 2020 ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Saddex kamid ah askarta Mareykanka, isla markaana uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay weerarkaas ku burburisay diyaarado ay lahaayeen Ciidamada Mareykanka inkastoo ciidamada Mareykanka ay arrintaas inkireen.

Ad
Previous articleDeg Deg: Jubaland oo Ku Dhawaaqday Halka ay ku Qabanayso 16kii Kursi ee Garbahareey
Next articleDeni Maiska Casili Doonaa Xilka Madaxweynaha puntland Madaama U masharax Madaxweyne yahay(Aqriso Deni oo ka Hadlay arintaas)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here