Home Wararka Maanta Maraykanka oo abaal marin guddoonsiiyay askartii ka qeyb qaadatay dagaalkii 1993 Muqdisho...

Maraykanka oo abaal marin guddoonsiiyay askartii ka qeyb qaadatay dagaalkii 1993 Muqdisho ka dhacay

0

Maraykanka ayaa la sheegay in abaal marin guddoonsiisay qaar ka mid ah askartii Ameerikaanka ee ka qeyb qaatay dagaalkii la magac baxay “Black Hawk Down” ee Muqdisho ku dhexmaray ciidamadii Jeneral Ceydiid iyo ciiddamadii Maraykanka ee Muqdisho ku sugnaa, sannadkii 1993.

Askartan ayaa la guddoonsiiyay 18 abaal marinood oo silver ah, waxaana loo abaal mariyay in ay ahaayeen geesiyaal.

Abaal marinta qallinka ah ee la guddoonsiiyay askartan, waa abaal marinta saddexaad ee ugu sarreysa milateriga geesiyaasha dagaalka.

Dagaalkii Oktoobar 3, 1993, oo dhexmaray ciidamadii general Maxamed Faarax Ceydiid iyo ciidamada Maraykanka ee Muqdisho ku sugnaaa ayaa laga sameeyay filinkii “Black Hawk Down” oo adduunka aad caan uga noqday.

Dagaalku wuxuu qarxay markii ciidamada gaarka ah ay damceen inay soo qabtaan general Maxamed Farrah Ceydiid, oo uu Maraykanka u haystay inuu mas’uul ka ahaa weeraradii Ciiddamada nabad ilaalinta UN-ka ee ka shaqeynayay joojinta dagaalka sokeeye ee Soomaaliya.

Siddeed iyo toban askari oo Mareykan ah ayaa ku dhintay dagaalkaas oo socday muddo 18-ka saacadood socday, waxaana askarta la dilay ku jiray seddex ka mid ah afartii duuliye ee diyaaradda Black Hawk ee la soo riday.

Ad
Previous articleMasar oo Soomaaliya usoo dirtay Diyaarado Milateri oo siday Shixnad Gargaar ah
Next articleLaba Wasiir oo caan ka ahaa Soomaaliya oo Maanta Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here