Home Wararka Maanta Maraykanka ayaa Digiin Culus oo Hanjabaad ah usoo Dirtay Madaxda Soomaalida

Maraykanka ayaa Digiin Culus oo Hanjabaad ah usoo Dirtay Madaxda Soomaalida

0

Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu cunqabateyn saarayo Soomaaliya, haddii waqtiga loo qabtay doorashada ay sii jiidanto.

Hadalkan ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka sida uu baahiyey telefishinka Aljazeera.

Hanjabaada Maraykanka ayaa ku soo aadeysa xili golaha wadatashiga Qaranka ay soo saareen go’aano la xiriira jadwalka iyo hufnaanta doorashada.

Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay hadal u jeediyey shacabka ayaa soo dhoweeyey natiijada ka soo baxday shirka golaha wadatashiga ka dib cadaadis xoogan oo kaga yimid xubnaha beesha caalamka oo Maraykanku ku jiro.

Hanjabaada Maraykanka ayaa muujinaysa in beesha caalamku uu ka sii dhamaanayo dulqaadkii ay u hayeen madaxda Soomaalida oo haatan khilaafkoodu faraha ka baxay markii ay isku qabteen habka doorashada loo qabanayo.

Ad
Previous articleIsimada Puntland ayaa Sòo saaray Go’aan Culus oo Ka dhan ah Madaxweyne Siciid Deni PSFna Taageeray
Next articleDowladda Soomaaliya oo Maanta Dalka dib ugu Soo calisay Dhalinyaro ku xirnaa Liibiya (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here