Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo Sharci daro ku Tilmaamay Go’aankii Gudoomiye Mursal

Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo Sharci daro ku Tilmaamay Go’aankii Gudoomiye Mursal

0

Madaxweynihii Hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ahna Musharax Madaxweyne ayaa si kulul uga Hadlay Go’aankii uu qaaday Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana uu ku ganaaxay Xildhibaano ka Tirsan Golaha Shacabka.

 

Sharci daro ayuu ku Tilmaamay Tilaabadaas waxaana uu uqornaa Hadalkiisa

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falka lagu doonaya in 15 Xildhibaan ah looga joojiyo ka qeybgalka fadhiyada golaha shacabka, ayadoo sabab looga dhigayo inay muujiyeen dareenkooda iyo fikirkooda ay kaga soo horjeesteen muddo kordhinta sharci darida ah ee loo sameynayo Farmaajo.

Runtii arintani waxay si cad u muujineysaa inuusan Farmaajo dooneynin doorasho, xoriyad iyo dimuqoraadiyo intaba.

Waxaan gudoonka golaha shacabka ugu baaqayaa inay dhowraan sharciga, xoriyadda mudanayaalka iyo dimuqoraadiyadda gudaha baarlamaanka dhexdiisa.

Ad
Previous articleXildhibaano ku hanjabay inay Gudoomiye Cusub dooran doonaan xilkana laga qaadayo Mursal
Next articleMadax ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay Aaska Taliyihii Hore ee Asluubta (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here