Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xilsare u magacaabay Baadiyoow

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xilsare u magacaabay Baadiyoow

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed , taasi oo mudnaan gaar ah u leh dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

 

Ad
Previous articleNabadoonadii Beesha Sacad ee ku Baxay Dagaalkii Ceyr iyo Saleebaan oo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleJabriil”Sagaal kamid ah 18 qof oo aan xabsi ku wada jirnay ayaa horteyda ku dhintay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here