Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweyne Xasan Shiikh oo maantay ku Wajahan Baydhabo iyo Ujeedka Safarkiisa(Xog+Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maantay ku Wajahan Baydhabo iyo Ujeedka Safarkiisa(Xog+Sawiro)

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ka dhistay madaxtooyo cusub oo habka loo sameeyey aad usoo jiidatay bulshada Soomaaliyeed.

Madaxtooyadan ayaa lagu wadaa inuu maanta xariga ka jaro madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu booqasho ku tago magaalada, halkaasi oo sidoo kale uu wada-hadallo kula yeelan doono madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Madaxtooyadan oo sawirradeeda xalay lagu baahiyey bogga facebook ee Koonfur Galbeed ayaa loo dhisay hab aad u qurux badan, waxaana sida muuqata ku baxay qarash badan.

Si kastaba, sawirrada ayaan lagu bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan madaxtooyada, sida inta qol ay ka kooban tahay, qarashka ku baxay iyo waxyaabaha kale ee ay wadato.

Xogta rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah magaalada Baraawe, hase yeeshee maamulka ayaa tan iyo intii la dhisay ku shaqeynayey Baydhaba, mana muuqata inuu ka guuri doono xilli dhow kadib dhismaha madaxtooyadan.

Ad
Previous articleGudoomiye Xuseen jibriil Oo Qarax Culus lagu Weeraray iyo Khasaaro Ka Dhashay
Next articleCabdiraxman Cabdishakuur oo Sheegay in Gargaar Dowlada Qatar keentay la Xayiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here