Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Gudoomiye Xuseen jibriil Oo Qarax Culus lagu Weeraray iyo Khasaaro Ka Dhashay

Gudoomiye Xuseen jibriil Oo Qarax Culus lagu Weeraray iyo Khasaaro Ka Dhashay

0

faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyey khasaare, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan degmada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee guriga gudoomiye ku xigeenkii hore amniga degmada Afgooye Xuseen Jibriil, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uulka la weeraray uu soo gaaray dhaawac, isaga iyo wiil dhalinyaro ah oo la socday, xilliga uu dhacayey qaraxa.

Sidoo kale waxaa goobta ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, mana jiro wax faah faahin ah oo ay ka bixiyey qaraxaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Afgooye, kadib weerar ay ku soo qaadeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka oo aan la xiriirnay.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyay Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Buuhoodle
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo maantay ku Wajahan Baydhabo iyo Ujeedka Safarkiisa(Xog+Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here