Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo oo Maalin ah ku tagay dalka Burundi.
Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalkaasi ayaa safarkiisu waxa uu ku qotomaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya booqashadan ayaa kulammo kala duwan la qaadan doona dhiggooda dalka Burundi.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Waxaana geba-gabo ah wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, ayada oo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.