Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan la qaatay Nabadoonada Galmudug(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan la qaatay Nabadoonada Galmudug(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay odayaasha warbixin guud oo ku saabsan xaaladaha kala gedisan ee deegaanka iyo arrimaha la xiriira dhab-u – heshiisiinta bulshada Galmudug.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin isu soo dhaweynta ummadda.

Waxaa uu  ku boorriyey sii wadadidda dadaalkooda, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladdiisu ay mudnaan siin doonto dhab-u- heshiisiin waarta oo ka hirgasha guud ahaan Soomaaliya.

Ad
Previous articleAl-shabaab oo shaqaale ajnabi ah ku weeraray Gudaha Kenya
Next articleCabdiraxman Cabdishakur oo Markii ugu Horaysay ka Hadlay Muranka Ka Taagan kursigiisa Xildhibaanimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here