Home Wararka Maanta Cabdiraxman Cabdishakur oo Markii ugu Horaysay ka Hadlay Muranka Ka Taagan kursigiisa...

Cabdiraxman Cabdishakur oo Markii ugu Horaysay ka Hadlay Muranka Ka Taagan kursigiisa Xildhibaanimo

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dooda ka dhalatay in uu waayayo kursigiisa, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in si tabarucaad ah uu uga shaqeynayo u gurmashada dadka abaartu ku saameysay gobolada dalka, taasina ay tahay waajib ka saaran, xilkaasna uu lamid yahay Guddiga Baarlamaanka iska dhex magacaabo.

“Xil aan qabtay ayaanba jirin, Xildhibaanka muhiimaddiisa oo dhan waa in uu dadka u shaqeeyo, Haddii ay u baahatana xildhibaannimada in aan uga tago si aan shaqadan u fuliyo diyaar ayaan u ahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaannimada micnaheedu tahay in loo adeego bulshada Soomaaliyeed, sida hay’adda xeer dejinta ee Baarlamaanka, la xisaabtanka Xukuumadda metalaadda Shacabka.

“Taliye nabad-sugid oo hadda waxaa la magacaabay xildhibaan ah tusaale ahaan. Hay’ad ayuu u shaqo-tagay subixii oo uu xilkeeda la wareegay. Aniga cidda aan xilka kala wareegay yaa waaye? Hay’adda aan u shaqo-tagay waa tee? Intee ayay ka diiwaan-gashan tahay? Yaa shaqaale ka ah? Ma jirto!,” ayuu yiri Cabdiraxmaan isaga oo ku doodaya in xilkaan uusan horseed u noqon karin sharciyan in uu waayo xubinimada Baarlamaanka

 

 

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan la qaatay Nabadoonada Galmudug(Sawiro)
Next articleGaari jiiray Gabdho aroos u socday oo gaystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here