Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Qoor Qoor oo Gaaray xarardheere

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Qoor Qoor oo Gaaray xarardheere

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh iyo Madaxwaynaha Dowlada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo iyagoo tuutaha ciidanka xiran gaarey Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xassan sheikh waa booqashadiisii ugu horeysay ee uu Xarardheere ku tago, tan iyo markii la xoreeyay. Halka QoorQoor uu hoggaaminayey howlgalkii degmadaani lagu xoreeyay sanad iyo bilooyin kahor.

Boqashadaan ayaa Kusoo aadaysa Xili Dhawaan Ciidamada Dowladu Dib uga Baxeen Magalooyinka Bacaadwayn Camaara Caad iyo Shabeeloow kuwaas oo Alshabaab Dib Uqabsadeen.

Xasan Shiikh ayaana La Filayaa Inuu Dib u bilaabo Howlgalkii Ladagaalanka Alshabaab ee Kasocda Koonfurta Gobalka mudug kaas oo Qarka U saarnaa in Guud ahaan Alshabaab laga Saaro Gobalka Mudug Balse Bilowgii Bishii Ramadaan Alshabaab Badaan Dib Uqabsadeen koonfurta Gobalka Mudug

Ad
Previous articleOrdogan oo looga Adkaaday Doorashadi Ka Dhacday Dalka Turkiga
Next articleAlshabaabkii ugu Badnaa oo Maantay isasoo Dhiibay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here