Madaxweyne Xassan Sheekh Maxmauud iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta u safray dalka Eriteria.
Safarkan oo ah mid si weyn isha loogu haayo ayaa la xariira ciidan Soomaaliyeed oo sanado ka hor tababar ciidan loogu qaaday dalka dunida ka go’doosan ee Eriteria, taasi oo xariir dhow lahayd dowladdii uu hogaaminaayay madaxweyne Farmaajo.
Waalidiinta dhalay dhalinyarada ciidanka loo qaaday ayaa dhowr jeer oo hore dhigay banaanbaxyo ay ku dalbayeen xogta ilmahooda.
Madaxweynaha ayaa xilligiisii ololaha dhowr jeer ka dalbay dowladdii ka horeesay xogta dhalinyarada loo qaaday Eriteria.
Ad