Home Wararka Caalamka Arrinta aan laga warqabin ee ka dhacday qolkii lagu dilay Saadaam Xuseen.

Arrinta aan laga warqabin ee ka dhacday qolkii lagu dilay Saadaam Xuseen.

0

Maanta oo kale oo caalamka laga xusayay munaasabadda Ciidul Adxa ee sanadkii 2006-dii ayaa dil lagu fuliyay hoggaamiyihii hore ee Ciraaq, Saadaam Xusee. Taariikhdu markaas waxay ku beegnayd 30-kii bishii December.

Garsoore Ciraaqi ah, oo lagu magacaabo Munir Haddad, oo goob joog ahaa, ayaa telefishinka CNN xilligaas u sheegay in mid ka mid ah raggii daldalayay Saadaam Xuseen uu hadal ku tuuray, isagoo u sheegaya in uu ahaa kelitalis burburiyay Ciraaq.

Arrintaas ayaa islamarkiiba dood ka dhex kicisay Saadaam iyo ninkii kaxaynayay, ilaa ay markii dambe soo farogeliyeen saraakiil kale oo ku sugnayd qolka.

Kaddib markii xarigga qoorta loo geliyay Saadaam ayuu mid ka mid ah raggii daldalayay ku dhawaaqay “ha noolaado Muqtada al-Sadr,” sida uu sheegay garsoore Haddad. Muqtada al-Sadr waa wadaad ka mid ah hoggaamiyeyaasha Shiicada ee Ciraaq.

Saadaam, oo ahaa Sunni, ayaa eraygiisii ugu dambeeyay ka hor inta uusan geeriyoonin ku yiri: “”Muqtada al-Sadr”, isagoo codkiisa laga dareemayay inuu magaca u dhahayay si jees jees ah, sida uu faahfaahinta ku sheegay Haddad.

Garoosaraha ka sheekeynayay dhacdadan ayaa yiri: “Saadaam waxa uu u muuqday qof aysan waxba ka khuseynin xaaladda halkaas ka taagnayd. Aad baan ula yaabay. Kama uusan baqaynin geerida.”

 

 

 

 

 

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo goor dhaw ka duulay Muqdisho
Next articleMadaxweyne ka cararay Xaruntiisa Madaxtooyada kadib Markii Banaanbaxayaal Caraysan u galeen (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here