Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay tacsi ugu tagay danjiraha Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya, isaga oo ku booqday dhismaha safaaradooda.
Booqashada ayaa timid maalmo kadib markii weerar uu fuliyay askari Shabaab la la xiriirinayo lagu dilay tiro saraakiil sare oo Imaaraat ah, kuwaas oo Soomaaliya u joogay tababarka ciidamada Soomaalida.
Meydka saraakiisha ayaa loo qaaday dalkooga, iyada oo uu madaxweyne tacsi diray isla habeenkii uu dhacay weerarka. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas oo uu fuliyay mid ka mid ah dadkii la tababarayay.
Qoraal lasoo dhigay bogga madaxtooyadda Soomaaliya waxaa lagu sheegay in madaxweynuhu sidoo kale kala hadlay danjiraha Imaaraatka Axmed Jumca Al-rumeysi ‘ahmiyadda xiriirka soojireena ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha’.