Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Mareykanka iyo Ujeedka Safarkaas oo la...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Mareykanka iyo Ujeedka Safarkaas oo la Ogaaday

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada New York ee Mareykanka, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriira ka qayb-galka kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la filayo in looga hadlo xaaladda Soomaaliya, kaas oo ay shir guddoomin doonto dowladda Isu Tegta Imaaraadka Carabta.

Intiisa badan waxaa shirkan lagu gorfeyn doonaa qorshaha bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, cunaqabateynta hubka ee weli saaran dalka iyo taageerada Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono kulanka isaga oo ka xog warrami doono xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo qorshaha dowladdiisa ee ku aadan horumarinta dalka.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu golaha hordhigi doonaa codsi la xiriira sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ah ee saaran tan iyo 1992-dii, taas oo xilligan muhiim u ah dowladda federaalka, maadaama dagaal  adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doono hoggaamiyeyaasha ka qayb gala shirka, si uu ugu qanciyo qorshaha dowladdiisa, una taageeraan.

Horay wakiilo kala duwan oo indha-indheyn ku sameeyay amniga dalka ayaa xilliyo kala duwan soo gaaray Muqdisho, waxa ay la kulmeen xubno kormeer ahaan u qaabilsan oo waddanka jooga si ay uga xog-dhageystaan xaaladda xakameynta hubka ee Soomaaliya.

Ad
Previous articleGabadhii ugu horreysay ee Muslim ah oo loo magacaabay xilka Garsoore
Next articleGudoomiye Haashim Maxamed Shareere oo Qaab Shirqool ah loo Dilay Xalay iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here