Home Wararka Maanta Gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah oo loo magacaabay xilka Garsoore

Gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah oo loo magacaabay xilka Garsoore

0

Golaha Senateka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslim ah oo xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkaan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladeshi.

Nuarat ayaa xilal sare horay uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois.

Gabadhaan ayaa wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada.

Golaha Senateka Mareykanka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100-ka mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane.

Nusrat ayaa fariisan doonta Maxkamad degmo oo heer federaal ah oo ku taalla magaalada New York.

Guddoomiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka Chuck Schumer ayaa Nusrat ku tilmaamay inay leedahay waayo aragnimo sare, karti iyo daacadnimo.

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay ingabadhaan muslimka ah ay khibrad u leedahay xuquuqda madaniga ah.

Guddoomiye Chuck wuxuu carrabka ku adkeeyey ansixinta magacaabidii madaxweynaha ee Nusrat ay keeni doonto inay xirfadeeda ugu adeegto kursiga loo magcaabay ee heer federaal.

Ad
Previous articleGoob uu shir uga socday madaxda Al-Shabaab oo duqeyn culus lala beegsaday iyo Horjooge Sare oo Lagu Dhaawacay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Mareykanka iyo Ujeedka Safarkaas oo la Ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here