Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray geerida Taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed (Xasan Tuure), oo saaka ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
“Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya,” ayuu yiri.
“Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda.”
Taliye Xasan Tuure ayaa ku dhintay dagaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Galcad, halkaasi oo ciidanka xooga dalka ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
“Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.”