Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab xasaasi hordhigay Golaha Ammaanka ee QM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab xasaasi hordhigay Golaha Ammaanka ee QM

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa hordhigay dalab muhiim ah oo la xiriira qaadista cuna-qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday ergada in ay gacan ku siiyaan baaqa ah “in gebi ahaanba laga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.”

“Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena, si wax ku ool ah loola dagaallamo argagixisada, oo ummaddeenna aan u dhisno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh mar uu ka hadlaayay tallabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay adkeeyey in cuna-qabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh.

“Aan si cad u sheego – Soomaaliya 2023 ma aha Soomaaliya 1992. Helitaanka awoodaha lagama maarmaanka ah waxay noqotay hawl adag, taasoo caqabad ku ah awooddayada dhanka dagaalka argagixisada Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabad iyo xasillooni waarta”

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore usheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi koowaad ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, ayada oo wejiga labaad ee dagaalkan ay qeyb ka noqon doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, si loo xoojiyo howl-gallada ka socda dalka.

Ad
Previous articleCiidanka Xoogga Dalka oo Howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigii labaad (Sawirro)
Next articleTirada xoolaha sanadkaan laga dhoofiyay dalka oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here