Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigii labaad (Sawirro)

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigii labaad (Sawirro)

0

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayaa maanta howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigga Mirtaqwo ee dowlad gobolleedka Hirshabelle, kaasoo xarun aheyd ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF).

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale maalin ka hor kala wareegay howlgalka ATMIS saldhigga ciidanka Xaaji Cali ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo isna xarun u ahayd ciidamada Difaaca Qaranka Burundi.

Xilwareejinta masuuliyada amniga oo udhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa waafaqsan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 (22) iyo 2670 (22) kaasoo faraya ATMIS inay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Khawaarijta Al-shabaab kala wareegay dhul balaaran taasoo soo dadajisay in lagu kolsoonaado awoodda Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleCatriona Laing: “Al-Shabaab waxay weli halis muuqata ku tahay amniga Somalia”
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo dalab xasaasi hordhigay Golaha Ammaanka ee QM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here