Madaxweynaha dowladda Kenya, William Ruto ayaa si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka ee ku aadan bixitaanka ciidamada howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika, kuwaas oo la filayo inay dalka ka baxaan 2024-ka.
Madaxweynaha Kenya ayaa sababta ku sheegay in Al-Shabaab laga yaabo inay dib u soo laabtaan, isla-markaana ay qabsadaan dhulka ballaaran ee haatan laga saaray.
Sidoo kale waxa uu xusay in dalalka safarka hore, gaar ahaan Kenya, Itoobiya iyo Uganda ay gaareen go’aan ah inay kusii nagadaan Soomaaliya, si loo tir tiro kooxda Al-Shabaab.
‘Waxaan go’aansanay haddii aan nahay dalalka safka hore ee Kenya, Uganda iyo Itoobiya inaan kusii jirno koorsadan, haddii loo baahdo waxaan u aragnaa inay lama huraan tahayn inaan kasii gudbno jadwalka dhimista si aanay u lumin waxa aan gaarnay, sababtoo ah waxaan kasoo baxnay xaalad, marka yaanan u ogolaan Al-Shabaab inay dib ugu soo laabtaan isla’egta ama masraxa” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Kenya, William Ruto.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhammaadka bishan June lagu wado inay dalka ka baxaan 2000 oo kamid ah AMTIS, taas oo qayb ka ah qorshaha ka bixitaankooda Somalia.
Si kastaba, tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee ka billowda gobollada dalka, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah.