Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Galmudug (Sawiro)

Madaxweyne Qoor Qoor oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Galmudug (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Shir guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug.

Shirka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, doorashada ayadoo dhinaca kale warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kuna saabsaneyd Degmeynta Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Shirka, oo uu kasoo qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka mudane Cali Daahir Ciid, ayaa laga dooday, warbixinta wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, iyadoona ugu danbeyntii cod loo qaaday degmeynta Xeraale ay Goluhu si aqlabiyad leh u ansixiyeen.

Dhinaca kale, wasaaradda Amniga ayaa golaha u qeybisay nuqulo Xeerka Hubka fudud ah oo ay goluhu soo akhrin doonaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu Soo Laabtay
Next articleMasuuliyiin ka Tirsan Galmudug oo Maanta gaaray Xadka Somaliya iyo Itoobiya (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here