Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu Soo Laabtay

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu Soo Laabtay

0

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Dooxa kaga qayb galay Furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

 

Ad
Previous articleWasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug oo Tababar usoo xirtay Shaqaalaha Shaqaalaha Waaxda Arimaha Bulshada Cadaado (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Galmudug (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here