Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya. Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xiriirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Galmudug.
Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaalada loogu jiro dhameystirka arimaha doorashooyinka
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Maalmihii dambe waday Sare u qaadista Shirarka Siyaasadeed waxuuna si gaar gaar ah ula shirayay Madaxdii Hore ee dalka iyo Xubnaha Beesha Caalamka ee Fadhigoodu yahay Muqdisho
Ad