Home Wararka Somaliya Madaxweyne Qoor Qoor oo ku goodiyay in Howlgal ka dhan ah Shabaab...

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku goodiyay in Howlgal ka dhan ah Shabaab la qaadayo

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka hadlay howlgallada Ciidamada dowladda ka wadaan degaannada Galmudug, xilli ay degaannada maamulkaas ka socdaan u diyaar garowga howlaha doorashooyinka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa marka hore u mahad celiyay Ciidamada qalabka sida ee ka howlgalla degaannada Galmudug, kuwaas oo uu sheegay inay had iyo jeer wadaan xaqiijinta amniga iyo ka hortegda weerarada Al-Shabaab.

Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada ayuu ka dalbaday inay dardar geliyan howlgalalda ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan Ciidamada u diyaarsan sugida amniga doorashooyinka ka dhacaya degaannada Galmudug.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ay howlgalalda wadi doonaan inta taako kamid ah dalka ay joogaan Al-Shabaab lagana helayo amni buuxa.

Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) aya kusoo aadaya xilli degaano ka tirsan Galmudug ay ka socdaan howlgallo kala duwan, isla markaana dhowr jeer ay ka dhaceen weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab.

Ad
Previous articleMadaxweyne Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here