Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo Dib ugu Soo laabtay Dhuusomareeb laguna soo dhaweeyay...

Madaxweyne Qoor Qoor oo Dib ugu Soo laabtay Dhuusomareeb laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

0

Madaxweynaha  Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kadib safar shaqo oo uu maalmihii u danbeeyay ku joogay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin uu ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka xigeenka  Galmudug mudane Cali Dahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane Maxamed Nuur gacal, xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug, iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa magaalada Muqdisho ku sugnaa muddo isbuuc ka badan,waxa uuna ka qeyb galay shirkii golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlay arrimo badan ay ku jiraan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab .

Galmudug ayaa kamid ah deegaanada ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Madaxweyne Qoor Qoor ka caga jiidayo hoggaaminta howlgalo toos ah oo Galmudug looga saarayo Al Shabaab.

Ad
Previous articleGudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kormeeray xarunta Golaha Wakiiladda Puntland ( Sawirro)
Next articleSomaliland oo ka jawaabtay Wararka sheegaya in ay gabaad siiso kooxda Al Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here