Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kadib safar shaqo oo uu maalmihii u danbeeyay ku joogay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin uu ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka xigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane Maxamed Nuur gacal, xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug, iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay.
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa magaalada Muqdisho ku sugnaa muddo isbuuc ka badan,waxa uuna ka qeyb galay shirkii golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlay arrimo badan ay ku jiraan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab .
Galmudug ayaa kamid ah deegaanada ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Madaxweyne Qoor Qoor ka caga jiidayo hoggaaminta howlgalo toos ah oo Galmudug looga saarayo Al Shabaab.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka